Wali Waxay colaad Qabiileed ka taagan tahay Deegaanka Nr.50 iyadoo la sheegey in dagaalkii maanta ay soo qaadeen Maleeshiyo Beeleedka horay ula dagaalamay dadka deegaanka, waliba waxaa la xaqiijiyey iney maanta wateen Gaadiidkii Ciidanka Dowlada.
Wariye Madaxbanaan oo la hadley Puntlandi wuxuu yiri “Ciidanka maanta soo weeraray Deegaanka waxay ahaayeen Ciidanka Dowlada waayo waxay wateen Gaadiidkii lagu yaqiiney Dowlada,
waxayna durba bilaabeen iney rasaas ku furaan guryo horey Dadku uga qaxeen oo ku yaal afafka hore ee Nambar 50, khasaarahana ma sheegi Karno inuu gaarsiisan yahay”.
Wariyuhu wuxuu sheegey inuu Dagaalku markiiba istaagey laakiin Xabado badan la isweydaarsadey, ilaa hadana ma jiraan warar kasoo baxaya dhinaca Ciidanka deegaanka oo dhowr jeeroo hore maalmahaan iska difaacayay Weerar ay ku hayaan Ciidanka Beeleed wata tuutaha Dowlada.
Puntlandi.com
Kismaayo