Warar hoose oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in ay meel wanaagsan marayso wadahadalkii iyo Dadaalka ay Wadaan Isimada soo jireenka ah ee Puntland dadaalkaasoo Isfahan looga dhex abuurayay Madaxda Dowlada iyo Murashixiinta.
Isimada iminka ku sugan Garowe oo wadatashi Teleefoonka ah la sameynaya kuwa aan wali Garowe ku soo xeroon ayaa maalmahaan kulamo goos goos ahaa la qaatey Madaxweynaha iyo Murashixiinta, sida aan Warka ku helneyna Murashixiintu waxay wada aqbaleen talooyin ay isimadu soo jeediyeen.
Ma cada heshiiska lawada gaaray noociisa iyo cida tanaasushey iyo in Wax laga badalayo Gudiyadioi horey loo magacaabay, balse sida aan Warka ku helney labada dhinacba waxay ku qanceen talooyinkii Isimada.
Kulan muhiim ah oo Madaxtooyada ka dhacay ayna Wada Yeesheen Isimada iyo Madaxweynaha ayaa isna la hadal Hayaa inuu dhacay. Isimadaan waxay horey si gaara ula kulmeen Murashixiinta.
Warkaan waa hordhac isagoo faahfaahsan ayna ku cadyihiin heshiiska lawada gaaray kala soco Puntlandi.
Puntlandi.com
Garowe