Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah — Dhakhaatiir Ajnabi ah oo Muqdisho lagu laayey

$
0
0

Warar aan ka helney Wariye Madax banaan oo iminka gaarey War dxeg deg ahgoobta lagu weeraray Dhakhaatiirta oo ah Duleedka Muqdisho meesha loo yaqaan Siinka Dheer ayaa Xafiiska wararka ee Puntlandi u sheegay in koox hubaysan ay weerareen koox dhakhaatiir ah.

3 Dhakhtar oo Suuriyaan ah way dhinteen, 1 Dhakhtar oo Soomaali ahna waa dhintey.

Sida ay wariyaha u sheegeen Dad ka agdhowaa goobta weerarku ka dhacey, Kooxda weerarka ku qaadey Dhakhaatiirta waxay ahaayeen kuwo soo qorsheystey in ay Xasuuqaan dhakhaatiirta.

Falkaan ayaa argagax ku beerey Dhakhaatiirta ka howl gasha Muqdisho, mana ahan markii u horeysey ee weerarkaan oo kale loo geysto Dhakhaatiirta, Sanadkaan gudihiisa waxaa Muqdisho lagu diley ugu yaraan 9 Dhakhtar, Dilkooduna ma ahayn mid ay Al-shabaab ka dambeysay.

Waxaa jira warar hoose oo baaritaan la sameeyey lagu ogaadey in Dhakhaatiirta Muqdisho ay iyaga qaar ka mid ahi ay ka dambeeyaan Dilalka iyo weerarka loo geysto Dhakhaatiirta tasoo ku salaysan Tartan loogu jiro Suuqa iyo tartan ka dhexeeya Dhakhaatiirta dhexdooda.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508