Gaowe–17 Dec.2013–Pi– Shirkii Jaraa’id ee ay maanta (Talaado 17.12.2013) qabteen Murashixiintu ka dib markii uu burburey Wadahadalkii ay Madaxtooyada kula soo qaateen Madaxweynaha, Shirka jraa’id ee Musharixiintu ku qabteen PDRC waxay ku dalbadeen in la dhexdhexaadiyo iyaga iyo Madaxweynaha , waxayna baaq u gudbiyeen Isimada oo ay ka dalbadeen iney kaalintooda ka qaataan.
Dhinaca kale saacado ka dib ayaa Madaxweyne Faroole wuxuu isna shir jaraa’id ku qabtey Madaxtooyada shirkaasoo uu dhinaciisa uga hadley Waxyaabihii sababay in shirka lagu kala boodo, wuxuu Madaxweynuhu sheegey inuu aqbalay Sadex qodob oo kamid ahaa afartii qodob ee Murashixiintu miiska soo saareen,Qodobka la isku maandhaafeyna ay diideen murashixiintu iney ka fuqaan.
Qodobakaasi waa Qodobka xasaasiyada badan dhaliyey kasoo ah Gudiga Khilaafaadka ee Madaxweynuhu soo magacaabey, Murashixiintu waxay soo jeediyeen in xubno iyaga matalaya lagu daro Gudiga lakiin Dr. faroole waa ku gacan sayrey wuxuuna yiri“Qodobkaan waa Sharciyan, mana ahan mid laga gorgortami karo, Hadiise aan ogolaadey Sadax qodob idinkuna waa inaad ogolaataan Qodobkaan siduu yahay inaad ku qaadataan,” wuxuu madaxweynuhu daliishadey oo sheegey in Gudiga Xalinta khilaafaadka uu madaxweynuhu soo magacaabaabi jirey doorashooyinkii hore.
Shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha ayaa Wax laga waydiiyey inuu ogolyahay in isaga iyo Murashixiinta lasoo kala dhex galo wxuuna ku jawaabay “Oo maxaa naloo dhexdhexaadinayaa afarta qodob mid sharciyan baan u leenahay maxaa kaayaga gorgortanka galiyey”.
ka dhagayso halkaan hoose.
Qodobkaan waxaa ka taagan muran badan labada dhinacna waxay kala aamin sanyihiin laba arimood oo ay sheegeen in lagu xaliyey xiligii 2008 markuu Madaxweyne cade Muuse sidaan oo kale kaligiis usoo magacaabey Gudiga Khilaafaadka isagoon kala tashan Musharixiintii xiligaas.
Murashixiintu waxay sheegeen iyagoo yiri Cadeyn baan u heynaa
In Markii 2008-dii uu Madaxweyne Cade Muuse isagoon kala tashashan Murashixiintii xiligaas uu soo magacaabey Gudiga Khilaafaadka, waxaa lawada qaatey kulamo dhexdhexaadin waxaana la isla meeldhigey in Gudigii sadex xubnood laga siiyo Murashixiinta sidaasna ay ku howl galeen.
Madaxweyne Faroole oo kamid ahaa murashixiintii xiligaas tartamayay wuxuu dhankiisa yiri isagoo sheegey inuu cadeymo hayo.
2008 Markii Madaxweyne Cade Muuse uu soo Magacaabey Gudiga khilaafaadka waxaa ka dhashey muran kanoo kale ah, lakiin murankaas waxaa lagu xaliyey in iyadoo la tixraacayo Xukuumadihii hore uu Madaxweyne Cade Xaq u leeyahay inuu isagu magacaabo Gudiga khilaafaadka, mana jirin Xubno loogu darey Murashixiinta.
Hadii labada dhinac sidaas kala aamin sanyihiin, yaa kala saaraya hadaba.
Waxaa xaqiiq ah in shaqadaan ay u taal Isimada Puntland, Tan iyo markii la aas aasey Puntland waxaa lalahaa Isimadu waa madaxa u sareeya Puntland, hadaba 2008 -dii Isimadu way joogeen goob joog ayayna ka ahaayeen sidii Wax u dheceen, Gari laba nin kama wada qoslisee Maxaa maanta diidey iney isimadu birta ku dhuftaan oo kala gooyaan talada sugaysa, laba arkee ninkii Qaldan oo kasoo hor jeesta go’aankoodee.
Iskusoo duboo waxaan hada gacanta ku herynaa baaritaan ku saabsan 5 sano ka hor sidii Wax u dheceen, sida ugu dhakhsaha badan markii aan wixii Documents, Video iyo cod soo ururinana waan idiin soo bandhigeynaa.
Ma madaxweynahaa Saxsan mise Murashixiinta kale ayaa saxsan? la soco puntlandi.com