Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

DAAWO SAWIRO: Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Wadanka Maraykanka Mudane Abdi Warsam Oo La Kulmay Mas’uulka U Sareeya Gobolka Minnesota, Governatoore Mark Dayton .

$
0
0

Minneapolis: Governatooraha Gobolka Minnesota, mudane Mark Dayton ayaa kulan saacado socday la qaatay shaqsigii u horeeyey oo kasoo jeeda qowmiyada East Afrikaanka oo ku guulaysto doorashada xisbiga dimuqraadiga, Mudane Abdi Warsame.

Mudane Mark Dayton ayaa ah governatoorihii afartanaad ee gobolka Minnesota isagoo xilka haayey tan iyo sanadka 2011. Gudoomiyaha ayaa katirsanaa aqalka sare ee sharci dejinta (Senator) dalka Mareekanka inta u dhaxaysay 2001-2007, isagoona lagu tiriyo shaqsiyaadku ugu tunka weyn xisbiga Dimuqraadiga. Mudane Mark Dayton ayaa kasoo jeeda qoyska reer Dayton oo kamid ah reeraha ugu hantida badan guud ahaan dalka mareekanka, ahna reerka aas’aas’aasay dukaamihii taxanaha ahaa oo la oran jiray Dayton, hadana loo yaqaan Target Corporation.

Governatoore Mark Dayton ayaa hambalyo kal iyo laab u diray ololaha Abdi Warsame iyo guud ahaan qowmiyada East Afrikaanka. “Waad dedadaasheen, qowmiyada East Afrikaankuna way dedaleen, waadna ka heli doontaan kursigiina, miiska lagu falanqeeyo siyaasada,” ayuu yiri Governatoore mark Dayton.

Xildhibaanada aqalka Baarlamaanka gobolka Minnesota Marwo Phylis Kahn iyo Marwo Kari Dziedzic oo labaduba goob joog ka ahaa kulankaasi ayaa sidoo kale hambalyo u diray Mudane Abdi Warsame, balanqaadayna inay garab istaagayaan ololihiisi doorashada nagusoo food leh bish November ee sanadkaan 2013.

Mudane Abdi Warsame ayaa u mahadnaqay governatooraha iyo labada xildhibaan, islamarkaana hoosta ka xariiqay in uu ka shaqayn doono dhinacada ay kamid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta magaalada Minneapolis. Mudane Abdi Warsame ayaa sidoo kale tilmaamay in ololihiisu ay dhaqaajinayso dareen isbadel doon iyo rabitaanka shacabka degmada lixaad ee Magaalada Minneapolis.

Gudiga Saxaafada Ololaha Mudane Abdi Warsame

Hoos Ka Daawo Sawiro


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles