Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Dagaal ka qarxey Duleedka Nr.50 iyo Hubkii Dowlada oo dagaal beeleed loo adeegsadey

$
0
0

Warar rasmi ah oo Puntlandi ka heleen Afgooye ayaa xaqiijinaya in Dagaal aad u Culus uu saaka ka bilowdey deegaanada Nr.50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dagaalka ayaa u dhexeeya Dadka deegaanka iyo Ciidan beeleed huwan Tuutaha Dowlada.

Dhinaca kale wararku waxay sheegayaan in Dagaalka oo u dhexeeya Beesha Biyamaal oo deegaanka Degta iyo Beesha Habargidir oo deegaanka ku joogta ciidan Dowladeed ahaan ay isla markaasna isticmaalayaan hubkii Dowlada ee loogu tala galay in Al-shabaab lagula dagaalamo.

Dad kasoo qaxay Dagaalka oo teleefoon kulasoo hadley Dad jooga Afgooye waxay sheegeen in Dadka deegaanka loo adeegsadey hubkii Dowlada oo qaarkiis hub culus yahay.

Dowlada Federaalka dhowr jeer ayay ka hadleen Dagaalada kasoo noqnoqonaya Deegaanka balse hadalkaas, waxar Reer Shabeelaha Hoose ku macneeyeen mid ah Qowda maqashii waxna ha u qaban, Waxgaradka Shabellaha Hoose waxay dhinaca kale Sheegeen in Dagaaladaan lagasoo abaabulo Villa Somalia, Hadalada kasoo yeera Villa Soomaaliyana ay yihiin kuwo Siyaasadeed.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles