Leicester:-Waxaa maalintii shalay oo Taariikhdu ahayd 14.12.13 ka dhacday xaflada balaaran oo ay soo qaban qaabi say Hay’adda Marda oo ahayd hay’addii fududeysay deeqdii lacageed ee ay Soomaalida degan magaalada leicester, UK u direen gudiga gurmada culimada Puntland.Gudiga gurmada culimada Puntland ayaa iyagu masuul ka ahaa gurmadkii loo fidiyey dadkii Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay roobabkii dabaylaha iyo duufaanka watay ee ku dhuftay deegaanad Puntland.
Xafladda oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan waxgaradkii , odayaashii ,culimadii iyo ducaadii howl wadeenada ka ahaa Masaajidda magaalada Leicester, Uk dowr wax ku oolna ka ahaa deeqdii lacageed ee laga aruuriyey Soomaalida ku nool ee magaalada leicester,Uk iyagoo si wada jir ah deeq lacageed oo gaaraysa 22.724 doollar ku hagaajiyey Sheekh. Daahir Aw-cabdi oo ka mid ah gudiga gurmada culimada Puntland.
Ugu horayn xaflada oo uu furay C/fataax Axmed Guure kana mid ah masuuliyiintii Hay’adda Marda una qaabilsan dhinac xiriirka ayaa waxaa uu soo dhaweeyey dhamaan dadkii ka soo qayb galay xaflad waxaan uu hadalka siiyey markii ugu horaysay Sheekh Ismail oo dadweynihii ka soo qayb galay xaflada xasuusiyey cabsida Alle iyo in ay sii wadaan in si wada jir ah ay wax u wada qabsadaan.
Xaflada ayaa waxaa kale oo hadalo guubaab iyo waano ah ka jeediyey odayaasha magaalada Leicester,UK oo aan ka tilmaami karno , Yaasiin Daahir, Cabdi Maxamed Tarax oo xilala kale duwan ka soo qabtay dowladdii dalka Soomaaliya soo maray, Axmed Jaamac, Cabdullahi Suudi, Suldaan Qiilmawaaye.
Waxaa kale oo iyagana hadalo kooban oo u badanaa wacdi iyo waano ka jeediyey culimada iyo ducaad Masaajidda magaalada Leicester ,Uk oo aan ka xusi karno Sh.Cabdiweli Muuse Ilweyn, Sh.Cabdixakiin Dheere, Sh. Cabdishakuur iyagoo dhamaan dadkii ka soo qayn galay xaflada uga mahadceliyey sidda ay ugu gurmadeen dadkii walaalahood ahaa ee dhibku gaaray , culimada iyo ducaad ayaa waxaa ay si wada jir ah ay mahad ugu jeediyeen Hay’adda Marda oo iyadu fududeysay deeqdii lacagteed ee la diray ee ay aruuriyeen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Leicester.
www.puntlandi.com.