IIsbitaalka guud ee Digfeer oo shalay uu booqdey Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa galabta Madaafiic lagu weeraray mana jirto khasaare nafeed oo weerarkaas geystey sida uu Puntlandi u Xaqiijiyey Xasan Xiireey oo goob joog ahaa markii weerarku dhacayay.
Dowlada Turkiga ayaa Dayac tir ku sameysey Isbitaalka iyadoo ay qaybo ka mida Isbitaalka ay wali shaqo ka socoto.
Dhanka Laamaha amaanka wali kama aysan hadlin weerararka Isbitaalka lagu qaadey mana jiraan cid sheegatay iney ka dambeeyaan weerarka.
Puntlandi.com
Muqdisho