Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Maamulka Jaamacadaha Banaadir iyo Bariga Afrika oo Deeq Ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Culumadda.(Sawiro)

$
0
0

Maamulka Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Banaadir ayaa si rasmi ah deeq ka kooban Dawo,Lacag iyo dhar ku wareejiyay Culumada Gurmadka loogu gargaararo dadkii ay waxyeelaysay Duufaantu ka wada Puntland.

Munaasabada deeqda ay kula wareegayeen Culumada  oo ka dhacday xarunta Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxa goob joog ka ahaa Culumada Puntland,maamulada Jaamacada Bariga Afrika iyo Banaadir iyo Aqoonyahano.

Guddoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Prof. Cabdirisaaq Hiirad Maxamed oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la caawiyo dadkii ay waxyeelasyay Duufaantu.

‘’Runtii sida soo jireenka ahayd dadka Muslimiinta haddii dhiubaato ay dhacdo in la isukaalmeyo waa waxa dadka  Muslimiinta ah waa mid EEBE faray’’Ayuu yiri.

Maxamed Cismaan Maxamed oo ka socday Jaamacada Banaadir ayaa ka codsaday umada Soomaaliyeed inay door ka qaatan talaabada loogu gargaarayo dadkii ay waxyeelaysay Duufaanta Cyclone03A.

‘’Waxaan halkan u nimi gargaarkii aan xamar ka keenay innaan si wada jir ah ugu wareejino annagoo ah Jaamacadaha Banaadir iyo Bariga Afrika aan ku wareejinay Guddiga Gurmadka dadkii ay waxyeelaysay Duufaanta Cyclone03A’’Ayuu yiri.

Sheekh Maxamed Macali oo ka mid ah Culumada Gurmadka ka wada Puntland ee la wareegay deeqda ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay maamulka iyo macaliminta Jaamacada Banaadir iyo Bariga Afrika.

‘’Jaamacada Bariga Afrika iyo Banaadir gargaarka dagdaga ah ee aad lasoo gaarteen dadkii ay waxyeelaysay DuufaantuXCyclone03A’’Ayuu yiri Sheekh Maxamed Macalin.

Si kastaba ha ahate,arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli Culumada Puntland ay Warbaahinta Puntlandi dhowaan u sheegen in wajiga labaad ee Gurmadka ay dhowaan bilaabi doonaan.

bosaso@puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles