Shirar badan oo lagu hungoobay ka fin waxaa maanta la filayaa in lasoo gabagabeeyo Heshiis rasmi ah oo lagu aado Doorasho Dalka ka dhacda, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xukuumadiisa ayaa lagu eedeeyay inay ku guul daraysteen inay Dalka u dhawaajiyaan Doorasho.
Raysal wasaaraha oo badalay Booskii Madaxweynaha iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa u muuqda inay guul aad losoo dhaweeyey ay ka gaareen Shirarkii maaalmaha uga socday Muqdisho.
Munaasabada lagusoo gabagabaynayo Shirka Laguna Saxiixaya Heshiiska ayaa waxaa lagu casumay Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , Mucaaradka iyo Xubno matalaya Brøeedha Caalamka.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo qaybta ugu balaaran ku lahaa bilowgii Heshiisyadii hore iyo Heshiiskaan ayaa la filayaa inuu halkaas ka jeediyo Khudbad taariikhi ah, sida Puntlandi.com ay xogta ku hayaan Madaxweynuhu wuxuu Khudbadiisa uga hadlayaa Xaalada Guud ee Dalka iyo Heshiiska wadadii losoo maray.
Madaxweyne Farmaajo ayaa isna la sugayaa inuu jeediyo Khudbad lawada sugayo, waxaana aad loo hadal hayaa Qaabka uu uga hadli doono Heshiiskaan oo isagu uu banaanka ka joogay bilowgiisii.
Puntlandi.com Muqdisho

The post Afisyooni oo la sigayo in lagusoo gunaanado Heshiiskii Doorashada iyadoon Madaxweyne Farmaajo wax samayn ah ku lahayn appeared first on .