Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wasiirka Maaliyada Jabuuti oo wax laga xumaado ka tilmaamay Hadalkii Wasiir Dubbe

$
0
0

Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa Qoraal usoo qoray uga jawaabay hadalkii Maanta kasoo yeeray Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee Wakhtigeedu dhamaaday.

Wasiir Dube ayaa Jabuuti ku eedeeyay inay Midowga Afrika iga faa’iideysanayso inay wadaan Siyaasada Gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyada Kabuuti Ilyaas Muuse oo ka jawaabaya hadalka Wasiir Dubbe wuxuu yiri

  • “ Ku eedeynta Jabuuti faragalinta arrimaha #Soomaaliya & la safashada dhinacyadu waa macno la’aan & waxay wiiqaysaa qiyamkeena asaasiga ah ee nabada iyo xasiloonida Soomaaliya. Waxaan sidoo kale si weyn u qiimeynaa waxa ay noo qabatay Soomaaliya.Sidaas darteed, ma sameyn karno wax kayar. Taasina waa sababta ay wiilasheennu ugu dhimanayaan dib u soo nooleynta Soomaaliya.” .

Xukuumada Farmaajo ma ahan markii kowaad oo ay eedeyaan Jabuuti. Waxayna hada u muuqataa in Xiriirka Jabuuti iyo Muqdisho uu marayo meeshii u xumayd Abad.

Puntlandi.com Garowe

The post Wasiirka Maaliyada Jabuuti oo wax laga xumaado ka tilmaamay Hadalkii Wasiir Dubbe appeared first on .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles