Shalay makhribadii ka hor waxaa shir ugusoo fhamaadey Muqdisho Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Beelaha Hawiye, Shirkasoo Ajandihiisu ahaa in Beesha ay go’aan ka qaadato mudo kororsiga uu samaystay Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey.
Saacado kadib Madaxweyne Farmaajo wuxuu amray in lakala diro Gudiyadii awalba Muranku ka taagnaa ee Dooradhada Dadban, Heshiiskii 17 Sebtembar waxyaabaha hortaagnaa waxaa kamid ah Gudiga Xalay lakala diray oo horay uu Madaxweyne Farmaajo diiday inuu kasaaro Xubnaha Xafiiskiisa ka shaqeeya iyo Xubno Saraakiil Ciidan ah,
Kala doroda Xalay waxaa lagu macneeyey Dhambaal uu Madaxweyne Farmaajo u dirayo Siyaasiyiinta Beesha Hawiye, oo Xalay dalbadey in Madaxweyne Farmaajo ku laabto Teendhadii kana tanaasulo Ku darsashada.
Gudigaan waxaa loo kala diray maadaama Uu Madaxweyne Farmaajo sheegey in Heshiiskii 17 Sebtembar uu socon waayay taas badalkeedana Xukuumada loo kordhiyay Laba Sano. macneha kale ee ka dambeeya kala dirida Gudigaan waxaa weeye “ inay ku quus qaataan kuwa aamin San in Faramaajo Teendhada kusoo laabanayo, Farmaajo wuxuu ku darsadey labo sano sidaas awgeed Gudigaan dhaqadoodii ahayd Doorasho Dadban waxaa loo badalay Doorasho Qof iyo Cod ah oo ay maamulayaan Gudiga Xaliima Yaray tasoo dhacaysa 2 sano kadib.
Puntlandi.com Muqdisho

The post Gudiyada uu kala diray Farmaajo waxay jawaab u yihiin Hadaladii Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye appeared first on .