Hadallada kulkulul ee ay Somaliland iyo Dawladda Federaalka ahi hawada isku marinayeey ayaa saamayn ku yeeshay dadkii shacabka ahaa ee u kala dhuufi lahaa Berbera iyo Muqdisho.
Horay dadka marka ay ka soo dhoofayaan Muqdisho waxa ay soo goosan jireen GO HOME, Sdaas ayay Hargaysa ama Berbera uga Soo dagi jireen, marka ay dhoofayaan sidaas si la eg, sababta arrintaas keentayna waxa ay tahay Haddii aadiga oo Muqdisho ka soo dhoofaya aad isticmaasho Passaport kii cagaarka ahaa oo Somaliland laga aqoonsan yahay waxaad la kulamaysaa xarig iyo ganaax, Haddii aad E-Passport-ga kala soo dhoofto Muqdishana garoomada Somaliland waxaa lagaa qaadayaa lacag gaaraysa $34 illaa $44, Sidaas si la mid ah Somaliland Passport kalama dagi kartid Muqdisho.
Maanta waxaa la baajiyay inta badan dadkii shacabka ahaa ee Somaliland u soo dhoofi lahaa oo ay waaxda Socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya tiri cid aan E-Passport wadan ma dhoofi karto, taasna waxay keentay in duulimaadyadii qaar ay baaqdaan, dadkiina ay dib ugu laabtaan guryahoodii.
Maamulka Hargeysa iyo Maamulka Muqdisho waxay maalmahaan hawada isu marinayaan eedeymo iyo hadalo kulul.
Puntlandi