Qaab noocee ah ayaa loo sameeyey Gudigii Khilaafaadka Doorashadii tan ka horaysay ee 2014.
Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa wuxuu 3 Decembar 2013 uu magacaabey Gudiga khilaafaadka Doorashadii 2014 kaasoo koobnaa 8 xubnood, Waxaa Gudigaas durba ka horyimid Musharixiintii u tartami lahaa Madaxweynanimada, Xubnahaas waxaa kamid ahaa oo hogaaminayay Madaxweynaha Xilka hada haya oo markaas Musharax ahaa Iyo Cali Xaaji Warsame oo isna Musharax ahaa isla markaasna ahaa Afhayeenka Musharixiinta.
Muran xoogan ayaa wuxuu xiligaas ka dhashay Gudigii uu Madaxweyne Faroole uu Magacaabay, Madaxweyne Faroole wuxuu ku adkeysanayay inuu isagu sharci u leeyahay inuu Magacaabo Gudiga Khilaafaadka Doorashada halka ay Musharixiintii oo uu hogaaminayay Prof. Cabdiwali Maxamed Caligaas ay iyana ku adkeysteen in iyaga laga talo galiyo magacaabista Gudigaan , Khilaafku wuxuu gaaray in Isimada Puntland iyo Ergaygii gaarka ahaa ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya ay Garowe yimaadaan si ay uga qaybqaataan xalinta khilaafka Madaxweynaha iyo Musharixiintii.
Aakhirkii is jiijiid,Muran Siyaasadeed iyo Shirar wada tashi kadib waxay Musharixiintii soo jeediyeen in ay aqbalaan gudiga iyagoo hal sharuud ku xiray Madaxweyne Faroole Sharuudaasoo ahayd in Gudiga Khilaafku ay hoos yimadaan Marjacna ay u noqdaan Isimada Soo jireenka ah ee Puntland, Sidaas ayay ku howl galeen Gudigii uu Magacaabay Madaxweyne Faroole.
Gudigaas waxay ku guuleysteen in si muran la’aan ah ay ku xaliyaan ddacwadaha la xiriira Beelaha Xildhibaanada isku haystay.
Madaxweyne Gaas oo xiligaas kamid ahaa Musharixiintii 2014, Ma wuxuu mari doonaa wadadii Faroole oo wuxuu iskii usoo magacaabayaa Gudi Khilaafaad mise wuxuu kala tashanayaa Musharixiinta
Puntlandi.com