Wadahadalada Nairobi uga socdey Ururka ONF iyo Dowlada Itoobiya ayaa gabi ahaan la hakiyey kadib markii Raysal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu ku dhawaaqay inuu iscasilayo oo Xilka baneynayo.
Wararka Puntlandi ka helay Nairobi ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Cabdi Maxamed Cumar oo hogaaminayay Wafdiga Dowlada Itoobiya uu Shirka hakiyey,Mana jiro Wakhti lagu balamay in dib la isugusoo laabto.
Shirka gabi ahaan hakad ayuu galay, Madaxweyne Cabdi ayaana amarkaas bixiyey, waxaa sidaas Puntlandi u sheegay Sargaal u dhuun daloola Wadahadalka labada dhinac uga socdey Kenya.
Sargaalku wuxuubkaloo noo sheegay in Madaxweyne Cabdi uu maanta durba u duulay Adis ababa si uga qayb waayo kulamada iyo gorgortankaas Xukuumada badali doonta Raysal wasaaraha iscasilay Mudane Hailemariam Desalegn.
Raysal wasaarihii Itoobiya ayaa maanta wuxuu ku dhawaaqay inuu iscasilayo si Dalka Xasilooni daro aysan ugu dhicin.
Puntlandi
Nairobi