Askari Soomaali ah ayaa si ulakac ah wuxuu u toogtay Nin ka tirsan Shaqaalaha Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Caruurta iyo Hooyada ee UNICEF, Ninka la diley ayaa ah Nin Ugandheys ah Sida ay Puntlandi u xaqiijiyey Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Nairobi.
Ninka dilka geystay ayaa wuxuu kamid ahaa Askarta ilaalisa Xarunta UNICEF wuxuuna soo shaqaynayay Mudo sanad ku dhow, dilka oo qorsheysnaa kadib markuu fuliyey ayuu Goobta ka baxsadey, waxaana loo badinayaa iney Dad kale ku caawiyeen baxsashadiisa.
Puntlandi
Nairobi