Xog muhiim ah oo Warbaahinta Puntlandi ka heleen Dad ka agdhow Baaritaanka cidii amartay Weerarkii lagu qaaday guriga Sanator Cabdi Xasan Cawaale ( Cabdi Qaybdiid ) ayaa sheegaysa in farta lagu fiiqayo Xubno ka tirsan Xafiiska Raysal wasaaraha iney ka dambeeyeen Weerarka.
Wararku waxay sheegayaan in Maalmo ka hor ay Xubnaha bixiyey Amarka ay heleen Xog ku saabsan Lacago farabadan oo la geeyey guriga Sanatarka lacagtaasoo la sheegay in laga keenney mid kamid ah Wadamada Carabta, Xubnaha ka tirsan Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa durba bilaabay iney Abaabulaan Ciidan ka dul dhaca guriga Sanatorka si ay usoo qabtaan lacagta, Nasiib darase Ciidanku Markay xoog ku galeen Gurigii oo ay Kab iyo dacalba u baareen waxay waayeen Lacagtii iyo raad lacageedba, Durba waxaa la ogaadey in warka ku saabsan lacagta uu ahaa mid aan sal iyo Raadba lahayn.
Ciidanka waxaa lagasoo abaabulay oo amarka bixiyey Xubno awood ku dhex leh Dowlada Federaalka kuwasoo ka tirsan Xafiiska Raysal wasaaraha, lamana oga in Raysal wasaaaruhu uu ka war hayay iyo in kale.
Inkastoo xogta aan ka helnay illo lagu kalsoon yahay hadana nalooma magacaabin xubnaha bixiyey Amarkaanka lagu weeraray Ho’yga Sanator Qaybdiid.
Xogta aan helney waxay kaloo sheegaysaa in xabsiga loo taxaabay oo baaritaan lagu hayo ku dhowaad 39 Askari oo ah kuwii fuliyey weerakii lagu fatishay Guriga Qaybdiid.
Xukuumada Way iska fogeeyeen Weerarka iney wax ka ogaayeen.
Puntlandi
Muqdisho