Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Farmaajo oo Emaaraatka u duuley kadib markii Emaaraatku xanibaad Sareen Kaalmo ay u balan qaadeen Dowlada Federaalka Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaweyd u duuley Dalka Emaaraatka Carabta.

Lamasheegin ajandaha Safarka Madaxweynaha iyadoo ay horay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu ay mid mid u tagern Emaaraatka, hadana waxaa loo badimayaa Safarka Madaxweynuhu inuu qayb ka yahay oo daba socdo Safaradii kahoreeyey ee Madaxda Muulada Dalka.

Warar dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Arinta ugu weyn ee Safarka Madaxweynaha ay tahay Kaalmo ay Emaaraatku sin lahaayeen Dowlada Federaalka oo hakad la galiyey sabab la xiriira Khilaafka Khaliijka awgeed.

Kaalmadaan ay Emaaraatku u balan qaadeen Dowlada Federaalka ayaa isugu jirta Qalab, Lacag iyo Mashaariic, iyadoo ay Emaaraatku Kaalmo nooca ay sitren Puntland iyo Soomaaliland, Halka Koonfur Galbeedna ay dhowaan sugayso.

Dowlada Emaaraatka ayaa ah Dowlada qura ee Wadamada Carabta ee Soomaaliya siisa Kaalmo noocyo badan leh oo muuqata, Waana wadanka kowaad ee Soomaaliya ay Ganacsi dheer oo bad iyo cirka ah ay laleedahay Aduunka oo dhan.

Ijeedka Safarka Madaxweynaha waxaa kaloo ka mid ah sii xoojinta Ganacsiga iyo Xiriirka labada dhinacna.

Puntlandi
Dubai


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles