Maamulka degmada Qardho, Taliska qaybta Booliska gobolka Karkaar iyo Waxgarad, ayaa maanta si wada jir ah u qaaday Ol’ole ay ku bananaynayaan dhul ay bogcado ka dhigteen dad rayid ah.
Dhulkan ayaa dawladu ay ku sheegtay inuu yahay dhul ka caagan in la dago, isla markaana ay dawladu leedahay.
Maamulka degmada Qardho iyo taliska qaybta gobolka Karkaar, ayaa uga digay dadweynaha inay dhulkan bogcado ka dhigtaan, waxaana ay sheegen inuu yahay dhul Mustaqbalka dadka loogu adeegi doono.
Waxaa ugu dambayn digniin loo diray cid kasta oo isku dayda inay dagto dhulkan oo ku yalaa nawaaxiga Jaamacadda Bariga Afrika.
www.puntlandi.com.