Khilaafka ka dhex Aloosan Madaxda Soomaalida ayaa gaaray heer ay Beesha Caalamku soo faragaliyaan, waxaa sidaas ogaadey Warbaahinta Puntlandi.
Markuu Shirkii Kismaayo ee Dowlad Goboleedyada uu soo gabagaboobey ayna hadalo kulul saxaafada isu mariyeen Madaxda Soomaalida ayaa Beesha Caalamka xubno ka mid ah waxay Khadika teleefoonka ku bilaabeen Waan Waan iyadoo aakhirkii la isla meel dhigay in Muqdisho la isugu yimaad.
Wadahadalkaas oo qaatey wakhtivdheer waxaa la isla meel dhigay in Madaxweynuhu uu soo qaban qaabiyi Shirka oo uu casumaada isaga diro si qaab dowladeed loo maro.
Wararka aan helney waxay sheegayaan in Maamul Goboleedyadu ay sharuudovadag hor dhigeen Dowlada Federaalka ah inta aannWadahadal la isugu imaan laakiin aakhirkii waxay dhinacyadubogolaadeen iney iyagu kulmaan oo wada hadlaan.
Wararku waxay kaloo xaqiijinayaan in Hadii Beesha Caalamku aysan soo kala dhex hashen Madaxda Soomaalida uusan shirkaani dhici lahayn.
Puntlandi
Muqdisho