Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. cabdiraxmaan Sheikh Maxamuud ayaa isagoo ku hadlaya magaca Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland wuxuu ka tacsi u direy Eheladii dadkii ku dhintey Weerarkii maanta lagu qaadey Suuq ku yaal Nairobi, wuxuu kaloo Madaxweynuhu tacsi u direy shacabka iyo Dowlada Kenya, isagoo Madaxweyne Faroole Cambaareeyey Falkaas Fuleynimada ah ee lagu qaadey dadka Rayidka ah.
Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegey in dhawaca soo gaaray Kenya uu la mid yahay dhawac soo gaaray Puntland, waxaan Tiiraanyada la qaybsanaynaa shacabka iyo Dowlada Kenya, waxaan si kulul u Cambaareynaynaa Weerarka fuleynimada iyo Argagixisada ah ee ay ku dhinteey in ka badan 30 qof oo Rayid ah.
Weerarka lagu qaadey Suuqa Westgate Mall ee Magaalada Nairobi ayaa illaa hada dhimashadu maraysaa 30 Qof,
Puntlandi.com