Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

DHAGEYSO COD:— Madaxweyne Faroole oo Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Dowladdiisa ku eedeyey iney yihiin koox dhinac martay wixii lagu heshiiyay

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo maanta 21 sep.2013 Waraysi siiyay laanta afsoomaaliga BBC-da ayaa eed dusha uga tuurey Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Shaqaalihiisa oo uu ku eedeeyey ineysan ka shaqayneynin maslaxada umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Faroole ayaa ka jawaabay su’aalo laga weydiiyay arimaha dastuurka DFS iyo khilaafka ka dhaxeeya Maamulkiisa iyo Dowlada federaalka.

Waxa uu sheegay madaxweyne Faroole in aanu si rasmi ah xiriirka uga jarin Dowlada Federaalka balse ay wada shaqeynta kala noqdeen oo keliya, maadaama wixii lagu heshiiyay ay garab mareen.
’Dowladda Maraykanka Somalia way la shaqeysaa tan iyo burburkii, anagana waa na caawisaa goboladda Ismaamula , wax wanaagsan ban u arkaa hadalka ka soo yeeray Wasaarada Wrrimaha dibadda’’ ayuu yiri madaxweynuhu oo ka hadlay shirkii jaraa’id ee John Kerry

Madaxweyne Faroole ayaa ka hadlay talaabooyinka DFS madaxdeeda ay qaadayaan ay tahay qash-qashaad maamul goboleedyada dalka siiba Maamulka Puntland, wuxuuna si gaar ah u xusay shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Brussels.

Hoos ka dhagayso waraysiga

Mobilka ku dhagayso 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles