Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ergayga Gaarka ah ee QM mr. Keating oo Helsinki kula kulmay Qurba joogta Soomaaliyeed ee Finland(Sawiro)

$
0
0

Maanta ayaa waxaa kulan soo dhaweyn iyo iswaraysi ah wada yeeshay wakiilka Qaramada midowday u qaabilsan Soomaaliya Mr Mikeal Keating iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland qaybeheeda kala duwan.

Wakiilku waxa uu warbixin dheer siiyay qurbo joogta Somaliyeed ee ku nool Finland, warbixintaa oo tabanaysa xalada guud ee soomaliya gaar ahaan amniga,wax barashada,ladagalanka musuqmasuqa, siyaasada, abaraha,qaxootiyada lasoo celinayo gaar ahaan kuwa kenya iyo kaalinta UN- ka ay waqtigaan ka qaadanayso dib u kabashada Soomaliya.

Wuxuuna tilmaamay dawlada hada jirta in ay wado dadaalo la taaban karo sida ladagaalanka musuqmasuq , amniga iyo dawlad wanaagaba, Inkastoo aysan dalka oo dhan kawada fulinkarin hadana waa iskuday qaadankara process dheer iyo howl culusba.

Mr Keating oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in sida kaliya oo lagu gaarikaro dowlad dalka oo dhan katalisa aytahay isku tanaasul siyaasadeen iyo wadashaqayn dhab oo ay yeeshaan dowlada dhexe iyo maamul goboleedyaduba.

Ugu dambaytii wakiilka oo aad u daraaseeyay siyaasada Somalia ayaa umada somaliyeed ugu baaqay in danta guud u midoobaan si ay sharaftooda iyo karaamadoodii ay aduunka kulahaan jireen usoo celiyaan.

Waxaan mahadcelinaynaa Jaaliyada PUNTLAND SOCIETY OF FINLAND oo fududaysay kulanka wakiilka qaramada mibowbey ee Somali iyo jaaliyada Somaliyeed ee Finland.

Waxaan sigaara ugu mahadcelinaynaa Jaaliyada guud ee dalka Finland Finish-Somali League oo iyadu guur ahaan suurta galisay in uun qabsoono shirkaan, lahaydna qabanqaabada. iskugu yeerida xubnihii shirka ka qaybqaatay iyo isku dubaridkiiba.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles