Raysal Wasaare Xasan Kheyre ayaa dib uga laabtay Magacaabidii uu Yaxye Cali u Magacaabay Lataliye Xafiiskiisa ah.
Yaxye Cali ayaa horey wuxuu u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha shaqadasoo uu Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Farax Juxa uu ka eryey, kadibna Buuq badan oo ka dhashay kadib ayaa Raysal wasaaruhu wuxuu u Magacaabay Lataliyaha Arimaha Federaalka iyo Gudaha ee Xafiiska Raysal wasaaraha.
Shaqada cusub ee Raysal wasaaruhu u Magacaabay Yaxye Cali ayaa waxaa soweto uga horyimid Wasiirka Arimaha Gudaha, wuxuuna Wasiirku ku cadadoyeycRaysal wasaaraha inuu ka noqdo jagada uu u Magacaabay Agaasimihiisii hore maadaama shaqadaas ay tahay mid la xiriirta Wasaaradiisa.
Sida Wararka ay Puntlandi ku helayaan Raysal wasaaruhu wuxuu aqbalay dalabkii Wasiir Juxa wuxuuna Raysal Wasaruhu dib ula laabtay Magacaabidii Yaxye Cali.
Puntlandi
Muqdosho