Guddoomiyaha Gudiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa warqad uu u diray Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dalbaday in Xukuumada ay cadeyso Mowqifka Soomaaliya ee khilaafka Wadamada Khaliijka.
Cosoble wuxuu Warqada uu u diray Madaxweynaha ku sheegay in ay jiraan Su’aalo iyo dood badan oo ka dhex taagan Gudiga Baarlamaanka dhexdiisa,sidaas awgeed ay shaqadiisa tahay inuu Madaxweynaha ogaysiiyo, Cosoble wuxuu dalbadey in si deg deg ah loo Giro Dood arintas ku saabsan.( Hoos ka EEG warqada)
Dhinaca kale Gudiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Ma jiraan wax ku saabsan Arimahaan oo ay usoo gudbiyeen Baarlamaanka.
Mowqifka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka waxaa lagusoo koobay in ay Soomaaliya dhex dhexaad ka yihiin qallaasaha u dhexeeya Wadamada Carbeed.