Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed oo ay weheliyaan Wafdigisii ayaa maanta u dhoofey Dubia, kadib markii ay shalay ka qayb galeen Shirkii New Deal ee magaalada Brussels, Shirkaasoo ay kasoo qayb galeen in ka badan Afartan Dal ayna ku jireen wafuud ka socda Dowlada federaalka iyo Jubaland.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ay weheliyaan Prof Gaandi iyo Cumar cabdirshiid iyo waliba xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Jubaland ayaa iyana wali ku sugan Magaalada Brussels, waxaana loo badinayaa iney u safraan Wadan kale oo Yurub ah.