Wasaaradaha Arimaha Dibada UK iyo Denmark ayaa midba goonideeda u sheegtey iney Xiriir iyo sadahadal ay la sameeyeen Dowlada Maraykanka ay hubiyeen in Dadka kasoo jeeda 7 Dal ee lagamanoocay Maraykanka laakiin heysta dhalashada British iyo Danishka uusan sharcigaan qabaneyn.
Wasiirka Arimaha Dibada Ingiriiska Boris Johnson ayaa wuxuu sheegay in uu xiriir uu la sameeyey Dowlada Maraykanka uu hubiyey in Dadka asal ahaan kasoo jeeda Dalalka lamanuucay ee haysta dhalashada Britishka ay galikaraan Maraykanka laakiin Dadka heysta labada dhalasho sida qofka Soomaaliga ah ee heysta baasaboorkii Soomaaliga isla markaasna haysta dhalashada UK (dual nationals) waxay la kulmi karaan in la hor istaago.
Wasaarada Arimaha Dibada Denmark ayaa iyana sheegtey sidaan oo kale.
Puntlandi.com