Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Ambasador Michael Keating ayaa maanta 27Jan.2017 wuxuu warbixin ku saabsan Geedi socodka Siyaasada Soomaaliya iyo Guud ahaan Xaalada Soomaaliya uu siinayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Sida Puntlandi warka kuhayo Mudane Keating wuxuu Golaha Amaanka u dulmarayaa meesha ay marayso doorashada Soomaaliya iyo talaabooyinka la rajaynayo in la qaado,marxaladihii lasoo maray sadexdii bilood ee lasoo dhaafay iyo Abaaraha ka jira qaybo kamid ah Soomaaliya.
Wakiil ka socda Ciidamada Amisom ayaa iyana la filayaa iney warbixin siiso Golaha Amaanka, Amisom waxay dalbanayaan dhaqaale iyo in loo kordhiyo Ciidanka,Sida Puntlandi warka ku hayo Amisom waxay sheegeen iney Si deg deg ah ugu baahan yihiin yihiin ciidan gaaraya 4500 oo dheeraada, mase cada wadamada ay ka filayaan iney ciidankaan usoo diraan Soomaaliya, Itoobiya ayaa horey dhowr jeer waxay kusoo celceliyeen iney Diyaar la yihiin Ciidan.
Marwo Caasha Geele oo u ololeysa Xuquuqda Haweenka ee Siyaasada Soomaaliya ayaa iyana khudbad u jeedin doonta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxayna diirada saari doontaa doorka Haweenku ku yeelan doonaan Siyaasada Soomaaliya iyo Halgankii ay usoo galeen in la xaqiijiyo in Haweenku ay 30% ku yeeshaan mid walba labada Aqal ee Soomaaliya.
Puntlandi.com
Garowe