Image may be NSFW.
Clik here to view.
Kadib markii uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Waraysigii ugu horeeyey ee uu siiyo TV uu shalay ku Soo celceliyey in Mexico ay Wax ka bixinayso Gidaarka uu doonayo inuu ka dhiso Xuduuda Mexico ayaa arintaas waxaa jawaab kulul ka bixiyey Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto.
Enrique Pena Nieto Wuxuu yiri ” Mexico hal Shilin kama bixineyso riyada Trump uu ku doonayo inuu kala xiro Labada Dal.
Khudbada Madaxweynaha Mexico kadib ayaa waxaa Durba Soo baxay in Madaxweynaha Mexico uu basjin doono safar uu Todobaadka Soo socda uu ku tagi lahaa White House-ka isagoo jawaab uga dhigaya hadalada kasoo yeeray Madaxweyne Trupm.
Dhanka kalena Madaxweyne Trupm ayaa galabta wuxuunartiisa Twitterka kusoo qoray in hadii Mexico ay diido iney Wax ka bixiso lacagta lagu dhisayo gidaarka ay macquul tahay in la kansalo Safarka uu Madaxweynaha Mexico ku inaan lahaa Washington.
Hadii ay dhacdo in la baajiyo kulanka labada Madaxweyne ku dhexmari lahaa Aqalka Cad waxay tani bilaabaysaa xiisad Siyaasadeed oo kavdhex aloosanta labada Dal.
Madaxweyne Trump intuu ku jiray ololaha Doorashada ayaa balanqaadyadiisii ugu waaweynaa waxaa ka mid ahaa inuu gidaar ka dhisi doono xuduuda Mexico iyo Maraykanka,tan iyo intuu xilka la wareegay Jamcadii wuxuu showet jer kusoo celceliyey in Uu ka dhabaynayo dhismaha Gidaarkaas ayna Mexico Wax ka bixin doonto kharasha lagu dhisayo.
Puntlandi.com
USA