Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Shirkii madasha oo beri furmaya iyo Puntland oo Kuraastii Aqalka Sare Xoog looga qaaday iyo M/weyne Gaas oo wax ka ogaa kadibna shirka ka dhuuntay

$
0
0

Wararka soo gaaraya Warbaahinta Puntlandi ayaa tibaaxaya in Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adeeganya Ex-Gudoomiyihii hore ee Barlamaanku ay buriyeen,oo waxba kama jiraan ka dhigeen go’aamadii iyo heshiisayadii hore loogu gaaray shirarkii madasha qaranka, ee kuraasata Aqalka Sare hore loogu qoondeeyey Beelaha Puntland ee degaanada Sool iyo Sanaag , iyadoo si sharci daro iyo boob ah kuraastadii Puntland looga leexiyey oo loo gacangaliyey wakiilada Somaliland ee magaalada Muqdisho u jooga,iyadoo ay jiraan tuhuno sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu wax ka ogaa khiyaamadaa Qaran iyo duudsigaa loo geystay shacbiga Puntland.

Shirarkii hore ee Madasha Qaran ayaa lagu soo afjaray Murankii ka taagnaa labada Kursi ee aqalka sare ee beelaha Sool iyo Sanaag ee Puntland oo laysku raacay in Puntland ay xaq u leedahay,laguna doorto Garoowe,laakiin nasiib daro waxaa go’aankaas ka daba yimid Ex-M/weyne Xasan Sheekh oo mar kale u xilsaaray gudi uu madax u yahay Mudane Jawaari in go’aan ka soo gaaraan kuraastaa,lakiin waxaa ayaan daro shacbiga Puntland ku noqtay in gudigaas sharci darada ah uu aqbalay Madaxweyne Gaas.

Go’aankii Jawaari ayaa noqday in kuraastii shacbiga Puntland si sharci daro iyo duudsi ah gacanta loogu geliyo ergooyinka Somaliland ee Muqdisho,kuwaas oo Xasan Sheekh uu dano siyaasadeed oo dorashadiisa dan u ah uu ka leeyahay

Sidee wax u dheceen, maxaase Madaxweyne Gaas ku khasbay in go’aan uu wax ka ogaa uu hadda Shacabka u tuso wax isaga ku cusub

1. Go’aankii Shirkii Madasha Hogaamiye-yaasha Qaranka ee lagu go’aamiyay in Puntland & Somaliland xubno dheeraad ah loogu daro aqalka sare oo maamulkiiba 3 kursi oo dheeraad ah helayo, markii la’isla qaatay ayaa Shirkii Muqdisho (MQ) ee ugu dambeeyay shirarkii madasha (Beesha Isaaq) arrintaasi ka horyimaadeen, waxaa Beeshaas garab rooray Galmudug oo iyaduna go’aankaasi ka boodday.

2. Buuqaan markii uu dhacay waxay madashu u saartay Guddi 3 xubnood ah oo kala Jawaari, Hassan Sheikh & Cumar Cabdirashiid, horraantii November ayay shireen 3dan Mas’uul kaddibna Jawaari ayay u wakiisheen arrinnta xalkeeda, isaguna go’aankiisii wuxuu noqday in xubnahaasi ay leeyihiin Beesha Isaaq. Go’aankaasi Hassan & Cumar kama hor imaan.

3. Markuu soo baxay go’aanka Jawaari, ayaa waxaa kacay siyaasiin reer Puntland ah, xubno ay kamid yihiin Xildhibaan Jangali iyo Gen Ilka Jiir oo la kulmay Jawaari arrintaasna wax ka waydiiyay, Jawaabtiisii waxay noqotay arrintaani waa mid kaligay aanan ku fududaan laxariiraan madaxda Puntland iyo Xafiiska Raisal Wasaaraha.

Go’aankii Puntland ay ku hakisay doorashada xildhibaanada golaha aqalka hoose oo ay arrintan kaga dabaaqaysay wuxuu ahaa mid shacuurta dadka lagu dajinayay, safiirka Sweden ee Somalia ayaa Puntland wuu u sheegay inaysan arrintan Jahawareerin maadaama Raisal Wasaaraha oo reer Puntland ah iyo Madaxweyne Gaasba ay Raali ka ahaayeen in Jawaari Go’aan kasoo gaaro kuraasta Muranku ka taagan yahay.

Maalinta berri waxaa loo balansan yahay shir aan hore loogu talo galin oo xubnaha beesha caalamku isgu yeertay madaxda madasha Qaranka,shirkaas oo loogu talo galay in lagu canaanto madaxda soomalida oo cagajiid iyo lugooyo joogto ah ku haya in ay qabsoomaan doorashooyinka Madaxtinimo ee dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Camey iyo gudoomiyaha Barlamaanka Puntland oo wakhtigan xaadirka ku sugan magaalada Muqdisho oo ay u jogaan dacwada Kuraasta shacbiga Puntland laga boobay, ayaa la rejeynayaa in ay markii ugu horeysay ay ka qeyb galaan shirka madasha qaranka,iyagoo buuxinaya booska uu ka maqan yahay Madaxweyne Gaas oo u muuqada in uu ka dhuuntay shirkaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidii caadada u aheyd aan laga warqabin meel uu jaan iyo cirib dhigay, iyadoo ay ugu war danbeysay isagoo safar aan la shaacin ujeedikiisa ku joogay Dalka Shiinaha.

Safarka Madaxweyne Gaas uu dalka ka baxay ayaa ku soo aaday wakhti Puntland ay la daalo dhaceyso Abaaro aad u qalfsan oo shacbiga iyo duunyadaba naafeyey ay dalka ka jiraan, iyo iyadoo Puntland iyo Shacbigeedu la rafanyaan iska caabinta weererada iyo colaada Isbaheysiga Argagisdu ku hayaan ciida Puntland iyo sidoo kale wakhti dalku ku jiro doorashooyin iyo isbedelo siyaasadeed oo saameyn weyn ku leh mustqabalka iyo nabada shacbiga Puntland,wakhtigaas xasaasiga ah oo u bahaan hogaamin adag oo dalka iyo dadkba ka samtabixiya aafooyinkaas ku heereysan

Puntlandi.com
Post@puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles