Wafdi ay hogaaminayaan Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Wasiirka Qoyska iyo haweenka Puntland Marwo Xaliimo Xasan Xaaji ayaa kusoo wajahan Dalka Denmark bilowga bisha soo socota´, Wafdiga labada Wasiir waxaa kalo kamid ah xubno miisaan ku leh Puntland.
Booqashada Wasiirada ayaa ah mid shaqo, waxay kaloo la kulmayaan Jaaliyada Puntland si ay uga warbixiyaan Xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan Deegaanada Puntland.
puntlandi.com
Garowe