Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Masuuliyiinta Jaaliyadaha Puntland ee Yurub ayaa maanta oo sabti ah 26 Nov.2016 wuxuu ka furmay Caasimada labaad ee Denmark Magaalada Aarhus, Kulankuna wuxuu soconayaa laba maalmood.
“Ujeedka kulanku waa in lagu mideeyo Jaaliyadaha Yurub ayna Sameystaan qaab mideysan oo ay kuwada shaqeeyaan kuna wada Xiriiraan, Kulankaana waxaa lagu lafa gurayaa sidiu qaabkaas loo sameyn lahaa, Maalinta kowaad oo ah maanta waxaa kulmaya Masuuliyiinta ugu sareeya Jaaliyada waxayna wada dajinayaan tubti loo mari lahaa mideynta Jaaliyadaha, Waxaa sidaas Puntlandi u sheegay Saciid Daahir Dhimbil oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Denmark isla markaasna ah Afhayeenka Qaban qaabada Shirka.
Kulanka Waxaa kasoo qayb galay Wafuud ka socda inta badan Jaaliyadaha Wadamada Yurub waana kulankii ugu horeeyey ee Jaaliyadaha Rasmiga ah ee Puntland ay isugu yimaadaan, Waxaana kasoo qayb galay wafuud gaaraysa Afartameeye xubnood oo ka kala yimid Qaarada Yurub.
Faahfaahin iyo wararka kulanka oo dhameys tiran kala soco Puntlandi.com