Raysal wasaaraha Kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta wuxuu soo gaaray Gaalkacyo isagoo isla markiiba u gudbey dhinaca Xaafada Baraxley.
Wararka ay Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Raysal wasaaruhu uu u aadey Baraxley si ay Airporka u wada yimaadaan isaga iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee Cadaado.
Dhanka kalena Wafuud ka socda Beesha Caalamka oo ka kooban IGAD IYO Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey iyo Madaxweyne Gaas ayaa Airporka kulan gaara ku qaatay iyagoo oo hada sugaya Raysal wasaaraha Iyo Nadaxweynaha Maamulka Galmudug ee Cadaado oo dhanka Xaafada Baraxley ku sugan.
Wararka ka imanaya Xaafada Baraxley waxay sheegayaan in Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xiligii laga Sugayay Airporka kasoo daahay uu usoo daahay kulamo uu la qaadanayo waxgaradka Koonfurta Mudug.
Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com
Puntlandi.com
Gaalkacyo