Hoos ka dhagayso Waraysi ku saabsan Shirka
Waxaa la ogaysiinayaa guud ahaan shacabka Puntland ee ku nool qaarada Yurub iyo daafaha caalamka oo idil,in bishan Nov 25-keeda ay shir balaaran iskugu imaan doonaan guud ahaan jaaliyadaha Puntland ee ka dhisan wadamada Qaarada Yurub.
Shirkan oo qorshahiisu yahay in jaaliyaduhu ku dhistaan midaw ay ku midaysan yihiin si cudooda waxtar u noqoto mid xoog leh oo ay wax ugu qaban karaan dalkooda iyo dadkooda.
Hadaba shirkan ayaa ka dhici doona magaalada Aws ee wadanka Denmark taariikhdu markay tahay 25-ka ilaa 27-ka bishan Nov 2016.
Adress-ka:-
Folkedansernes Hus
Gjellerupvej 83 C
8230 Åbyhøj.
Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay yeeshaan jaaliyadaha Puntland ee Yurub,
Midawga Jaaliyadaha Puntland ee Yurub ayaa ah mid muhiim ah oo macno weyn u leh shacabka Puntland ee ku nool qurbaha iyo gudaha dalka