<Warbaahinta Puntlandi ayaa waxyaabo dhowra ka ogaatay Shirkii todobaadkaan ay Dubai ku yeesheen Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraatka Carabta .
Ugu horayn Casumaada loo fidiyey Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya kali kuma ahayn Emaaraatka Carabtu ee waxaa daaha gadaashiisa fadhiyey Wadamada Saaxiibada la ah Soomaaliya gaar ahaan Maraykanka, EU, AU iyo Dhowr wadan oo Carab ah.
Wadamadaan waxay Emaaraatka u wakiisheen iney lasocdaan Doorashada Soomaaliya.
Shirkii Todobaadkaan lagu casumay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaan waxaan ogaaney in laba qodob ay u muhiimsananayeen ujeedka laga lahaa Shirka.
Qodobka kowaad
Madaxda ugu saraysa Federaalka ayaa la tusayey in Wakhtigoodii dhamaadey oo awoodoodii ay dhimatay, Si taas loo dareensiiyo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha waxaa iyagoon waxba lagala tashan casumaad rasmi ah loo fidiyey Madaxda Dowlad Goboleedyada si loogala xaajoodo Arimaha Soomaaliya loona dareen siiyo in iyaga (Maamul Goboleedyada) ay yihiin Saamileyda Doorashada iyo u howlgalida wakhtiga kala guurka iyo mustaqbalka Dalka.
Qodobka labaad .
Waxaa mid mid loola kulmay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada waxaana lagala hadley oo la iskala waraystey shaqsiga ku haboon kursiga Madaxweynaha, Waxaa laga dul baxayay in la ogaado cida ay dabada ka riixyaan Maamul Goboleedyadu inuu noqdo Madaxweyne.
Warbaahinta Puntlandi uma suura galin inaan ogaano Siyaabaha looga wada hadley qodobkaan laakiin waxaan ogaanay in Madaxweyne Shariif Xasan uu isugu sheegey inuu isagu ku haboon yahay inuu noqdo Madaxweynaha Mustaqbalka, Waxaan warka ku haynaa in kulankii shariif Xasan iyo Masuuliyiinta ka socdey Wasaarada Arimaha Dibada Emaaraatka lagasoo gaabiyey walhtigiisii marka loo eego kulamadii Madsxweynayaasha kale.
Iskusoo duuboo shirku wuxuu kusoo dhamaaday jawi isfahan.
Puntlandi.com
Garowe