Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jaaliyada reer Puntland ee dalka Switzerland oo deeq soo gaarsiisay gudiga dib u dhiska isbitaalka Guud ee gobolka Mudug.

$
0
0

Gudiga dib u dhiska isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo ku mashquulsan aruurinta iyo isku-dubaridka qorshahooda ku saabsan sidii dib loogu dhisi lahaa Isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo xaalad adag oo burbur ah kujira ayaa deeq lacageed oo ka timid jaaliyada reer Puntland ee dalka Switzerland kala wareegay xubno katirsan jaaliyada dalkaas ee reer Puntland.

Deeqdaan katimid jaaliyada reer Puntland ee dalka Switzerland waxaa gudiga ku wareejiyey Cabdiqani Cali Axmed oo ay jaaliyadu soo wakiilatay waxaana ay dhaman $7300 (todobo kun iyo Sadex boqol oo Dollar), isagoo sheegey in ay jaaliyada reer Puntland ee Dalkaas gaar ahaana magaalada Geneva ay diyaar u yihiin inay intaas kabadan ku darsadaan dhismaha isbitaalka gobolka Mudug.

dr-mohamed-jamac-salaadProf. Maxamed Jaamac Salaad Gudoomiyaha gudiga dib u dhiska isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo isna dhankiisa hadlay ayaa u mahadceliyey jaaliyada reer Puntland ee dalka Switzerland oo deeqdii u danbaysay ku wareejisay gudiga wuxuuna sheegey in ay taageeradani waxbadan qaban karto, Gudoomiyuhu dhanka kale wuxuu u mahadceliyey dhamaan jaaliyada reer Puntland oo taageerooyin kala duwan soo gaarsiiyey isagoo sheegey in dhamaan taageeradaasi ay waxbadan qabatay loona baahanyahay in loo wada istaago sidii loo dhisi lahaa isbitaalka gobolka oo xaalad adag soo wajahaday kadib markii uu bur buray.

Puntlandi.com
Gaahlkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles