Tan iyo Shalay waxaa Gaalkacyo ka socdey Abaabul xoogan oo Ciidanka Puntland ku xaqiijinayaan amaanka Gaalkacyo.
Meel Koonfur Galbeed uga beegan Gaalkacyo oo qiyaastii 4km u jorta Gaalkacyo ayaa Ciidanka Puntland fariisimo ka sameysteen.
Abaarihii 9 subaxnimo saaka oo sabti ah waxaa laga maqlayay rasaas, Wariye ka tirsan Puntlandi oo ku sugan koontoroolka Koonfureed ee Gaalkacyo ayaa xaqiijiyey inuu maqlayay rasaas goos goos ah.
Wariyaha Puntlandi ee Xaafada Baraxley wuxuu kusoo waramayaa in Xaalad colaadeed laga dareemayo Xaafada.
Dhinaca kale Magaalada Gaalkacyo aad ayay u degan tahay aan ka ahayn dareenka shacabka Xaafada Baraxley oo kacsan iyo shacabka oo kawalwalsan in uu saameeyo dagaal laga cabsi qabo.
Puntlandi.com
Gaalkacyo