Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

BREAKING NEWS : – Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga Puntland Dr. Maxamed Cabaas oo iscasilay

$
0
0


dr-mohamed-abbas-in-sydney
Dr. Maxamed Cabaas Macalin Cumar oo ahaa Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowladda Puntland ayaa iscasilay. Wasiirka ayaa sheegay in warqadda iscasilida oo qoraal ah u gudbiyey Madaxweynaha Puntland Dr. C/Weli Maxamed Cali Gaas.

Wasiir Dr. Maxamed Cabaas ma sheegin sababta uu isu casilay, balse Warar hoose oo puntlandi uu helay waxay sheegayaan in Wasiirku uu isu casilay kadib markuu ka war helay in Deeqo badan oo uu dibada ka keenay aysan gaarin meelihii loogu tala galay iyo isla aan cidi ka warqabin meel ay ku dambeeyeenba.

Wasiir Dr. Maxamed Cabaas ayaa dadweynaha Puntland ku xasuusan doonaan mucaawimooyinkii kala duwanaa ee uu dibada ka keeni jiray iyo sidoo kale dabagalkii uu ku samayn jiray hay’adaha UN-ta iyo NGOs ee magaca Puntland ku soo qaata hanti fara badan, balse aan soo dhaafin Nairobi.

Dr. Maxamed Cabaas waa wasiirkii labaad ee muddo todobaad gudihiis ah iska casila Dowladda Puntland, iyadoo Wasiirkii Warfaafinta Puntland Mudane Soocade is casilay dhowr maalmood ka hor.

Puntlandi.com
Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles