Bariga Gobolka Mudug waxaa shalay ka dhacay Dagaal khasaare nafeed geystay, dhimashada guud waa 13 Qof iyo nin la waysan yahay, Dhaawucuna waa 40 Qof.
Wariyayaasha Puntlandi ee Gaalkacyo iyo Xaafada Baraxley ayaa Warbixintaan noogasoo Diyaariyey.
Gaalkacyo– 6 sep.2016– Pi– Dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Laaso Xabiib oo Koonfurta uga beegan Tuulada Ceelbardaale ayaa ku bilowdey kadib markii Maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfurta Gobolka Mudug ay soo weerareen Xooladhaqo ku sugnaa Deegaankaas iyagoo isku dayay iney dhacaan Geel, Dadka Deegaanka ayaa iska caabiyey weerarka lagusoo qaadey, Saacado kadib ayaa isla Deegaankii waxaa dhacay Dagaal kale.
Dhimashadu dhinaca Dadka lasoo weeraray er Reer Puntland waa 3 iyo 18 dhawac fudud ah.
Dhaawaca oo 18 Nin ah waxaa la keenay Isbitaalka Gaalkacyo,waxayna dhakhaatiirtu ay Puntlandi u xaqiijiyeen in hal nin mooyee inta kale ay isla maanta ka baxayaan Isbitaalka oo dhaawacoodu fudud yahay.
Dhinaca Maleeshiyaadka Koonfurta Mudug ee weerarka ahaa waxaa ka dhintay 10 Qof, iyo Nin la waysan yahay, Dhaawucuna waa 12 Qof.
Dhakhaatiirta Isbitaalka Xaafada Baraxley waxay Puntlandi u xaqiijiyeen in dhawaca 7 kamid ah uu fudud yahay, 5 ta kalena uu dhawacoodu culus yahay, Sadex kamid ah Muqdisho ayaa loo qaadayaa.
Xaalada maanta waa Sidee
Saaka waxaa Deegaanka laga dareemayaa dhaqdhaqaaq Ciidan, Ciidanka Puntland ee ku sugan Ceelbardaale ayaa saaka kormeeray Deegaanadii Shalay lagu Dagaalamay kadib markii ay Ciidanku ka ka war heleen dhaqdhaqaaq Ciidan iyo is aruursi Ciidan oo ay Koonfurta Mudug ka wadaan deegaanka koonfurta uga beegan goobihii dagaalku ka dhacay.
Odoyaasha Gaalkacyo oo isku dayay waan waan nabadeed waxay Puntlandi u xaqiijiyeen iney Odoyaashu ay la xiriireen Odoyaasha Xaafada Baraxley.
Odoyaashu waxay sheegeen in Odoyaasha Xaafada Baraxley ay ku adag tahay xakameynta Maleeshoyaadkooda sababtoo ah ma aha kuwo wax ka maqlaya ama ka amar qaata Odoyaasha ay la xiriireen Odoyaasha Gaalkacyo.
Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com
Puntlandi
Gaalkacyo