Waxaa Muqdisho isugu imanaya Madaxda Madasha Qaran kuwasoo kulan aan horay loo shaacin yeelan doona.
Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Muqdisho u duuli doona beri ama Isniinta, sida Puntlandi xogta ku hayo.
Warar ay horay u daabacday Puntlandi ayaa sheegayay in ay Madasha Qaranku ku shuri doonaan Muqdisho bishaan septembar waxaana laga wada hadlayaa siday macmuuq u tahay in Doorashadu ku dhacdo wakhtiga loo qabtey oo ahaa ugu dambeyn bisha Oktoobar.
Warar kale oo Puntlandi daabaceen todobaadkii hore waxay sheegayaan waa sida aan xogo ku helnaye in Doorashadu ay mar labaad dib u dhici doonto.
Puntlandi.com
Gaalkacyo