Raysal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirshiid ayaa bilowga usbuuca soo socda wuxuu u duulayaa Magaalada Nairobi.
Sida Puntlandi xogta ku helay qaar kamid ah Beesha Caalamka ayaa suluugsan sida ay u socoto u diyaar garowga doorashada Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa u horeeya Qolyaha suluugsan sida ay Madasha Qaranku u wadaan u diyaar garowga Doorashada, Safarka Raysal wasaaruhuna wuxuu ku salaysan yahay kulan ay Beesha Caalamku dalbadeen in Raysal wasaaruhu ugu yimaado Nairobi.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed ayaa isna u safri doona Adis ababa bartaha Usbuuca soo socda lamana oga ujeedka Safarkiisa.
Puntlandi.com
Nairobi-/Adis ababa