Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

SAWIRO) Wasiir Dr. Maxamed Cabaas iyo Danjire Affey oo ka Wada Hadlay 3 Mashruuc Horumarineed oo IGAD ka Fulin Doonto Puntland

$
0
0

20160806_222933
(Nairobi, Puntlandi): Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee dowladda Puntland Dr. Maxamed Cabaas Cumar iyo Ergeyga IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Affey ayaa kulan ku dhex maray xafiiska urur goboleedka IGAD ee magaalada Nairobi. Kulankan ayaa ujeedadiisa ahayd sidii loo dar-dar galin lahaa mashaariicda horumarineed ee IGAD ka hirgalin doonto deegaanada Puntland.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay 3 mashruuc horumarineed oo IGAD ka hirgalin doonto Puntland, in kasta oo lacagta ku baxaysa mashaariicdaas ay ka imanayaan wadamada deeqaha bixiya, balse IGAD ay leedahay fulinta kaliya.

Sadexda mashruuc ee labada mas’uul ka wada hadleen ayaa kala ah:

1- Dhamaystirka wajiga labaad (phase two) ee gegida diyaaradaha caalamiga ee Boosaaso.

2- Keenista qalabka lagu dhiso jidadka, gaar ahaan dhamaystirka wadada Ceeldaahir ilaa Ceerigaabo.

3- Dhisidda Dugsiga Kalluumaysiga iyo Barashada Culuumta Badda (School of Fisheries and Marine Sciences) oo laga dhisi doono magaalada Eyl, isla markaasna noqon doona dugsiga ugu weyn Soomaaliya ee lagu barto Kalluumaysiga iyo Culuumta Badda.

Sawirada hoos ka daawo

Xafiiska Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga
Garowe, Dowladda Puntland,
Soomaaliya.

Puntlandi,
Nairobi
20160806_222126

20160806_222148


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles