Kadib Dood dheer oo la dhex dhigay Sadexda Musharax ee Hogaaminta Degmada 60B (District 60B) ee Magaalada Minneapolis ayaa waxaa si weyn døooda ugu guuleystey uguna hadal badiyey Musharax Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamuud Nuur.
Sadexda Musharax ee tartamaya waxay kala yihiin Maxamud Nuur, Phyllis Kahn’s iyo Ilham Cuma oo iyana ah gabar Soomaaliyeed,
Dood axadii dhex martey oo lagu qimeynayay Musharaxa u qalma Codka shacabka isla markaasna Codbixiyaashu ay ku dhagaysanayeen Musharixiinta Barnaamijkooda iyo Sabababta loogu codeynaya ayaa waxaa guul weyn ka gaarey Musharax Maxamuud Nuur.
Wargeyska Star Tribune oo kamid ah Wargeysyafa uga weyn Minneapolis ayaa shasca ka qaadey inuu Maxamuud Nuur noqdey Musharaxa ku guuleystay Doodaas oo ay taageereen codkiisa iyo Barnaamijkiisa Siyaasadeed.
Wargeysku Qoraalkiisa waxaa kamid ahaa sidaa “Mohamud Noor, agaasimaha fulinta ee Isutagga Soomaalida Minnesota oo hore xubin uga ahaa golaha dugsiyada Minneapolis, ayaa aad diyaar ugu ah, uuna yahay Nin u qalmaa kursigaan. Wuxu taageero ka helayaa Golaha Tifatirka Tribune Editorial Board Talaadada xigta ee xulka hore ee DFL ka sarraysa tan labada musharax ee both Kahn iyo musharraxa saddexaad, Ilhan Omar, oo hore u ahaan jirtay kaaliyaha Konsilka Magaalada Minneapolis.”
Wargeysku wuxuu kaloo wax ka qorey labada misharax ee kale isagoo tilmaamey in Phyllis Kahn’s ay xasfada ka mudan tahsy mahadnaq mudadii ay usoo shaqayneysay oo ay wax badan soo qabatay lakiin xiligaan uu uga haboon yahay Maxamuud Nuur in la doorto.
Ilhaan Cumar oo iyana Ah Gabar Soomaaliyeed wuxuu wargeysku ka qorey sidaan “Ilhan Omar, seems similarly motivated but less well-informed in her first bid for office. She blundered at a candidate’s forum Monday when she faulted Kahn for insufficiently pushing to legalize Sunday liquor sales — evidently unaware that Kahn has been the Legislature’s most consistent advocate for liberalizing liquor laws.”
Puntlandi.com
USA