Waxaa maanta soo gabgaboobay shir weyne aad u balaaran oo beelaha Cumar Naxamuud ee Gobolka Nugaal uga socday duleedka degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ee Puntland.
Shirkaas oo qorshihiisa kowaad ahaa in lagu doorto caaqilka guud ee Beesha Cumar Maxamuud ee Gobolka Nugaal,iyadoo gabagabadii shirkaas ee maanta lagu caleemo saaray Caaqil Siciid Caaqil Maxamed Cusmaan-Goolnuug oo bedeli doona Allaah ha u naxariistee Caaqil Maxamuud Caaqil Maxamed Cusmaan oo bishii Febraayo ee sanadkan 2016 ku geeriyooday Dalka India.
Shirkaas oo uu shalay ka soo qeyb galay kalmad dardaaran ahna u jeediyey ergooyinkii ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas .
Gebegebadii shirkaasi waxaa kalmado dardaaran iyo duco ah ka soo jeediyey,cuqaal iyo waxgarad badan oo shirkaasi ka qeyb galay,kuwaas oo dhamaantood Caaqilka cusub Illaahay uga baryey inuu xilkaas culus ku astro.
Munaasabada shirkaas iyo caleema saarka Caaqilka waxaa soo xiray Gudoomiyaha Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal mudane Maxamed Maxamuud Buurdibi oo u rajeeyey Caaqil Sciid Caaqil Maxamed Cusmaan-Goolnuug inuu gacan weyn ka geysan doono adkeynta Nabadgalyada,hurumarka bulshada iyo isku xirnaanta iyo walaaltinimada