Wadamada Carabta oo hada laga afuray waxaa la xaqiijiyey inaan la arag bishii tasoo macneheedu yahay in beri oo Talaado ah ay soon tahay maadaama aan bishii la sheegin.
Mid ka mid ah Howlwadeenada Puntlandi oo ku sugan Magaalada Barakrysan ee Makka wuxuu xaqiijinayaa in beri ay soon tahay sida ay sheegeen Masuuliyiinta u xil saaran Raadinta Bisha aragtideeda ee Dalka Sacuudiga.
Wasaarada Cadaalada Puntland oo aan la xiriirney waxay noo sheegeen in aan wali bishii laga arag deegaanada Puntland, Taad macneheeduna waa soon beri oo talaado ah.
Waxay ilaa hada u muuqataa in ciidu ay noqon doonto Arbacada hadii alle idmo