Warbaahinta Puntlandi ayaa heshay Warmurtiyeedka Kasoo baxay shirkii Madasha Qaran uga socdey Muqdisho.
Arinta Gobolka Banaadir lagusoo darin Warmurtiyeedka laakiin waxaa lagusoo daray Meeqaamka Caasimada yeelaneyso oo ah Qodob Dastuuri ah tasoo la yiri Gudi baa loo saaray.
Sidii warbaahinta Puntlandi ay xalay (khamiis 2 juun) ay xogta ku hayeen waxaa la isla meel dhigay in su’aasha Gobolka Banaadir iyo Aqalka sare saamiga ay ku yeelaneyso meesha laga saaro sababtoo ah Heshiisyadii hore kuma aysan jirin,Sidaasna looga gudbey doodaas tasoo macneheedu yahay Aqalka sare Xildhibaanadiisu waxay noqonayaan sidii horey loogu heshiiyey.
Gudiga loo saarey Meeqaamka Caasumadu yeelaneyso waxaa lasiiyey 60 maalmood sida ku cad Warmurtoyeedka oo laga bilaabo 4 juun.