Sida Puntlandi Warka ku helay waxaa lasoo afmeerey shirkii Madasha Qaran uga socday Muqdisho iyadoo qodobo badan la isla meel dhigay.
Waxaa la isku raacay in shirka xiga lagu qabto Baydhabo iyadoo Dowlada Itoobiya ay damaano qaadey Amaanka Shirka Baydhabo oo 25 juun dhici doona.
Arinta Gobolka Banaadir ayaa gabi ahaan qashinka lagu daray waxaana lasoo jeediyey in Warmurtiyeedka lagu qoro in Arinraas Gudi loo saarey oo Shirarka dambe looga hadli doono, Laakiin sida Puntlandi Xogta ku helay waxaa la isku raacay in wixii ka baxsan heshiisyadii hore aan sinaba wakhti lagu lumin ka doodidooda iyo is jiid jiidkooda.
Sida Puntlandi xogta ku hayo Arimaha aadka Xasaasiga u ahaa ee Shirka Baydhabo looga hadli doono waxaa kamid ah Isimadadii 2012 ka soo xuley Xildhibaanada kuwa hada mootan ee geeriyoodey sidii booskooda lasoo buuxin lahaa,iyo Xildhibaanada Direed iyo kuwa Beesha Shanaad goobaha lagusoo xulayo, labadaan qodob waxay ahaayeen kuwa shirka hada aadka u dheereeyey aadna loogu kala aragtida duwanaa.
Shirka Baydhabo ee 25 bishaan Juun waxaa kaloo la isla meel dhigayaa qorshaha Doorashada,Wakhtiyada ay dhacayso iyo Jadwalkoo buuxa.
Waxaa kaloo lagusoo bandhigayaa Gudiyada Doorashada.
Puntlandi.com
Muqdisho