Kulankii la filayay in Xildhibaanadu ay go’aan uga garaan Heshiiskii hanaanka Doorashada ayaa soo xirmay iyadoon wax natiijo ah uusan kasoo bixin.
Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka oo kulanka si deg deg ah ku soo xiray ayaa sheegay in ay sugayaan natiijada ka soo baxda kulan deg deg ah oo hadda u socda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda maamul goboleedada dalka,oo looga arinsanyo sidii xal loogu heli lahaa is mari waaga ku saabsan diidmada iyo is hortaaga Madaxweyne Xasan Sheekh oo kaashanya hogaanka Barlamaanku ay ku diidan yihiin ansixinta heshiisyadii Garoowe iyo madasha wadashaiga Qaranka.
Wararka kale ee Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan uu hada kulan deg deg ah la leeyahay Madaxda Maamul Goboleedyada.
Shariif Xasan iyo Cabdikariin oo shalay Nairobi aadey saaka ayay degdeg kusoo laabteen Muqdisho.
Beesha caalamka iyo guud ahaan shacbiga soomaliyeed ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii Barlamaanka somaaliyeed uu dhakhso u ansixin waayo heshiisyadii hore loo gaaray
Puntlandi
Muqdisho