Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweynaha Puntland oo kulamo goos goos ah la leh wafuudii kasoo qayb gashey Shirka ka socda Dubai

$
0
0


Shirka ka sicda Dubia ee looga hadlayo ladagaalanka Burcad badeedka ayaa Wajigiisii kowaad soo gabagaboobay goor dhaweyd waxaana hada bilowdey kulamo gooni gooni ah oo wafuudu yeelanayso.

Wafdiga Puntland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Faroole waxay si gaara ula kulmeen Wafuudii ka socdey Wadamada Midowga Yurub, Masuuliyiin ka socda Dowlada Emaaraatka oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Emaaraatka Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, UAE Minister of Foreign Affairs, waxay kaloo wafdiga Puntland la kulmeen isla maanta wafdiyada Siishalis iyo Tansaaniya, waxay kaloo kulan khaasa la qaateen Nicholas Kay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya, oo ay isaga dhowr jeer tan iyo shalay kulmeen Madaxweyne Faroole.

Kulamadaan dhamaan waxaa laga wada hadley la dagaalanka Burcad badeedka iyo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, Puntland waxay sigaara ugu Mahad celiyeen dhamaan wadamada ka qayb qaatay la dagaalanka Burcad badeedka.

Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles