Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jubaland oo markii u horeysay ka qayb gashay shir Caalami ah

$
0
0

Maamulka Jubaland oo dhowaan dowlada Federaalku u aqoonsatey maamul rasmi ah ayaa markii u horeysey heley Casumaad rasmi ah oo ay maamul ahaan uga qayb galayaan shir Caalami ah, wafdi balaaran oo ka socda Maamulka Jubaland ayaa saaka aroortii kasoo degay Dubia si ay uga qayb galaan shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo ladagaalanka Burcad badeedka.

Wafdiga Jubaland waxaa Garoonka kusoo dhaweyey masuuliyiin ka socda Dowlada Imaaraatka, waxayna shirka uga qayb galeen Maamul ahaa.

Wafdiga Jubaland waxaa hogaaminaya Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo wakiil ka ah Madaxweynaha Dowlada Jubaland oo iminka howlo shaqo u jooga Muqdisho.

Warar kale oo aan helney ayaa iyana sheegaya in Wafdi ka socda Jubaland oo uu hogaaminayo Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ay iyana u safri doonaan Dalka Beljam si ay uga qaybgalaan shirka NEW DEAL.

Sawirada shirka Dubai naga filo isla maanta


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles